Ka qayb qaado si carruurta ku nool goobaha colaaduhu ay u helaan cod

Nur noch

von ingesamt 30.000 € (57%)

Sii carruurta ka soo jeeda dawladaha aan si buuxda loo aqoonsan fursad ay uga qayb qaataan dhisidda nabad waarta.

Adduunka oo dhan, 473 milyan oo carruur ah ayaa ku nool meelaha ay colaadaha saameeyeen. Qiyaastii sagaal milyan oo carruur ah ayaa ku barbaara dawladaha aan si buuxda loo aqoonsan—gobollo aan helin aqoonsi buuxa ama ilaalin caalami ah. Carruurtani waxay ka mid yihiin kuwa ugu nugul dunida, maadaama ay ka baxsan yihiin ilaalinta sharciga caalamiga ah. 

Duruuftu marka ay sidaas tahay, badbaadadu badanaa waa walaaca ugu weyn. Qoysasku ma helaan fursad ku filan oo ay carruurtooda kala hadlaan dagaalka, khasaaraha, iyo cabsida. Xitaa marka rabshaduhu dhammaadaan, dadka waaweyn badanaa waxay doorbidaan inay hore u socdaan, iyaga oo carruurta uga tagaya su’aalo aan jawaab loo helin, dhaawacyo nafsiyeed oo aan la daaweyn, iyo jahawareer ku saabsan aqoonsigooda. Wareysiyadii ugu horreeyay ee cilmi-baaristan lagu sameeyay waxay muujinayaan xaqiiqo murugo leh: carruurtan dhif iyo naadir ayaa la dhegeystaa. Waayo-aragnimadooda, dareenkooda, iyo aragtidooda waa la iska indhatiraa, halka ay la nool yihiin dhaawacyo nafsiyeed oo qoto dheer. 

Mashruuca Nabadda Carruurta: siinta carruurta door firfircoon oo ay ku yeeshaan dhisidda nabadda ah

Mashruuca Nabadda Carruurta, oo ay hoggaaminayaan Dr. Marieke Hopman iyo Guleid Ahmed Jama, wuxuu baadhayaa sida carruurta ku nool saddex meelood oo la xidhiidha dawladaha aan si buuxda loo aqoonsan—Gaza, Sool/Sanaag, iyo Nagorno Karabakh/Artsakh—looga qayb gelin karo hawlaha dhisidda nabadda. 

Cilmi-baadhistu waxay isku daraysaa falanqayn sharciyeed (xuquuqdee ayay carruurtu ku leeyihiin goobahan), iyo xog dhab ah oo ku saabsan waxa ku dhaca inta lagu jiro iyo ka dib colaadda. Kooxdu hadda waxay doonaysaa inay qaaddo tallaabo muhiim ah: inay sahamiyaan sida carruurtu si firfircoon uga qayb qaadan karaan nabadda, iyo sida codkooda loogu siin karo door joogto ah dadaallada nabadda. 

Marka carruurta la taageero si ay u fahmaan waxa ku dhacay, lana siiyo meel ay ku hadlaan oo lagu dhegeysto, natiijadu ma aha oo keliya bogsasho—waxay sidoo kale helaan awood iyo aragti, iyaga iyo bulshadoodaba. 

Sababta taageeradaadu muhiim u tahay

Maalgelintu waa lama huraan si mashruucan loo sii wado. Marka aad ka qayb qaadato tabarucaadka oo aad qaadhaan ku darsatid, kooxda cilmi-baadhistu waxay awoodi doontaa inay:

  • Sahamiyaan sida carruurta si badbaado leh oo masuuliyad leh looga qayb gelin karo hawlaha nabadda iyo caddaaladda;
  • La shaqeeyaan bah-wadaagta maxalliga ah si loo helo habab dhab ah oo carruurta loogu daro doodaha ku saabsan dagaalka iyo soo kabashada;
  • Sameeyaan barnaamijyo wax ku ool ah oo ururrada caalamiga ahi u isticmaali karaan inay ku daraan codka carruurta. 

Ka caawi carruurtan in ugu dambayn la maqlo codkooda.

Si wadajir ah, waxaan hubin karnaa in sheekooyinkooda aan la lumin, isla markaana aan gacan ka geysan karno mustaqbal ay carruurta ku nool goobaha colaadaha ay helaan xaqa soo kabasho, aragti, iyo nabad.

Marieke Hopman & Guleid Jama

Safiirrada

Safiirrada soo socda ayaa si diirran u taageeraya mashruucan:

Jan Pronk – Wasiir hore oo Holland u qaabilsanaa Iskaashiga Horumarinta iyo Deegaanka, iyo Wakiil Gaar ah oo hore oo Qaramada Midoobay u joogay Suudaan. Waa hoggaamiye caalami ah oo muddo dheer ka shaqaynayay horumarinta, dhisidda nabadda, iyo xuquuqda aadanaha.

Mohamed Barud Ali – Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Xuquuqda Aadanaha Somaliland, u dhaqdhaqaaqe xuquuqda aadanaha muddo dheer, iyo Wasiir hore oo Dib-u-dejinta Somaliland ah.

Marc Dullaert – Aasaasaha KidsRights Foundation iyo Ombudsman hore ee carruurta Holland. Waa u doode caan ah oo xuquuqda carruurta gudaha Holland iyo heer caalami labadaba.

Nigel Cantwell – Aasaasaha Defence for Children International, khabiir caalami ah oo hormuud u ah xuquuqda carruurta iyo daryeelka beddelka ah.

Kees Matthijssen – Sarreeye Guuto (hawlgab) oo ka tirsanaa Ciidanka Boqortooyada Holland iyo Taliyihii hore ee hawlgalka Qaramada Midoobay ee Mali (MINUSMA), leh waayo-aragnimo ballaadhan oo ku saabsan hawlgallada nabadda iyo goobaha colaadaha, oo ay ku jiraan Afghanistan, Iraq, iyo Bosnia-Herzegovina.

Lisa Macheiner – Shaqaale bini’aadantinimo oo safka hore ka shaqaysa oo ka tirsan Doctors Without Borders (Médecins Sans Frontières), leh waayo-aragnimo ku saabsan la shaqaynta carruurta ku nool xaaladaha colaadaha iyo dhibaatooyinka, oo ay ku jiraan Afghanistan, Libya, iyo Gaza.

Ururrada bah-wadaagta maxalliga ah: HRC Somaliland & Global Campus.

Ololaha Sanduuqa Sannadlaha ah: Together 2025/2026

Jaamacadda Maastricht waxa ka go’an sinnaanta iyo hal-abuurnimada cilmiyeed iyo mid waarta. Iyadoo lala kaashanayo bulshada Jaamacadda Maastricht, waxaan ka dhigi doonnaa afarta mashruuc ee gaarka ah kuwo guuleysta oo si dhab ah loogu hirgeliyo wadajir.

Sanduuqu wuxuu sannadkan u dabaaldegayaa sannad-guuradiisa 60-aad, halka sannadka soo socda Jaamacadda Maastricht ay gaadhi doonto sannad-guuradeeda 50-aad. Tabarucaaddaadu waxay taageertaa cilmi-baadhis iyo waxbarasho horudhac ah, waxay xoojisaa kobaca jaamacadda, waxayna kordhisaa saameynteeda bulshada. Aan mideyno dadaalkeenna si ka badan sidii hore sannadkan xuska gaarka ah!

UM Crowd waa qayb ka mid ah Limburg University Fund/SWOL. Sanduuqan waa hay’ad si rasmi ah loo aqoonsan yahay oo u adeegta danta guud (ANBI). Taas macnaheedu waa in tabarucaaddaadu gebi ahaan ama qayb ahaan laga jari karo cashuurta. Kadib markaad tabarucdo, waxaad si toos ah u heli doontaa iimayl ay ku lifaaqan tahay caddaynta bixinta.

Si aad qaadhaanka wax ugu darsato fadlan ku dhufo halkan
Ogow in bogga qaadhaanku uu yahay af Ingiriisi. Haddii aa u baahan tahay cid kaa caawida la xidhiidh: Guleid Jama, oo iimaylkiisu yahay g.jama@maastrichtuniversity.nl 

Alle ansehen

Peace Doves by Atelier Nile for Child Peace Donors

05-03-2026 | 10:43 The Child Peace research project, led by Marieke Hopman and Guleid Jama, focuses on the involvement of children in peacebuilding activities in conflict-affected areas. To express our appreciation for support of this important project, we are offering a special token of gratitude to a select number of donors.  The first 10 donors who contribute €40.40 or more will receive, as a sign of appreciation, a handmade ceramic peace dove and a painted card. These have been carefully crafted by Atelier Nile and symbolize peace, hope, and solidarity. Core values closely aligned with the goals of this project.  If you would like to support this project and receive a peace dove, please follow these steps:Donate €40.40 or more on the UM Crowd page.After receiving the donation — unless you have donated anonymously — we will contact you to verify your address.The ceramic dove and card will be sent within one week after the address has been confirmed. Through this initiative, we aim not only to express our gratitude but also to provide a tangible symbol of our joint commitment to the rights of children in conflict-affected areas.  Would you like to contribute and receive a unique, handmade symbol of peace? We warmly invite you to take advantage of this special reward. Available while supplies last (maximum of 10 doves). 
Mehr lesen